Xarunta xaaladaha dhibaatooyinka Monika

Waxaad caawimo ka heli xarunta xaaladaha dhibaatooyinka Monika, haddii aad la kulantay dhibaato waxyeeleyn ama hanjabaad ah.

Adeegyo si fudud oo dhoor luqadood ah

Xarunta xaaladaha dhibaatooyinka Monika waxay bixisaa

  • caawida xaaladaha dhibaatooyinka
  • taageero nafsiyeed
  • taageero khibrad wadaag
  • la-talin iyo hagitaan adeeg
  • taageer hawlaha guryaha ka dib xiligaha gurigga ammaanka

Adeegyada waxaa loogu talagalay dhamaan dumarka soo-galootiga ah ee la kulmay dhibaato waxyeeleyn ama hanjabaad.

Dhamaan adeegyada waa kuu bilaash, mana aha inaad noo sheegto magacaaga.

Waxaan kubixineynaa caawimaada dhowr luuqadood oo kala duwan, kuwaas oo kala ah, carabi, dari, english, isbaanish, farsi, persia, faransiis, finnish, belarusiyaanka iyo ruush. 

Waxaad imaan kartaa xafiiska soo dhaweenta balan la’aan isniinta ilaa jimcaha saacada 9 subaxnimo ilaa 5 galabnimo. Waxaa sidoo kale balan qabsan kartaa adigoo soo waceysid telefoon lambarkaas 0800 05058.

Ciwaanka waa Hermannin Rantatie 12 A, 4. dabaqa, 00580 Helsinki (Kalasatama).

Khadka caawida bilaashka ah 0800 05058 wuxuu furan yahay isniinta saacada 9 subaxnimo ilaa 19 fiidkii iyo talaado ilaa jimcaha saacada 9 subaxnimo ilaa 16 galabnimo. Waxaa kasoo wici kartaa meel kasta oo Finlandh ah. Ma aha inaad magacaaga sheegto. Telefoonka waxaa qabanaya shaqaalaha masiibooyinka xarunta xaaladaha dhibaatooyinka Monika.

Sidoo kalana waxaad soo diri kartaa shaqaalaha masiibooyinka emeil ciwaanka emeilka: kriisikeskus@monikanaiset.fi

Sida ugu dhaqso badan kugu jawaa beynaa. Ma aha in aad magacaga sheegto.

Nala soo xiriir si dhiirranaan!

Waxaad naga heleysaa oo kale  Facebooga Shaqada xarunta xaaladaha dhibaatooyinka Monika waxaa kaalmeeya wasaaradda arimaha.

Tietosuoja · Saavutettavuus
The owner of this website has made a commitment to accessibility and inclusion, please report any problems that you encounter using the contact form on this website. This site uses the WP ADA Compliance Check plugin to enhance accessibility.